BBC navigation

Damaashaad ayaa lagu soo dhaweeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Oktoobar, 2012, 14:06 GMT 17:06 SGA
Somaliland police

Xabsiga waxaa laga sii daayay mas'uuliyiin horey xarig loogu xukumay

Maxkamadda rafcaanka ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday xukun ay xorriyadoodii ugu soo celisay mas'uuliyiin horey xarig loogu xukumay.

Maxkamaddani gobolka Hargeysa ayaa maanta fadhi ay yeelatay ku dhawaaqday xukunkani lagu sii daayay gudoomiyihii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi XAMARJE, iyo agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda dib u dejinta, Axmed Cilmi Barre.

Afar bilood ka hor ayaa labada mas'uul ay maxkamadda midkiiba ku xukuntay saddex sano oo xarig ah, eedo la xiriira musuqmaasuq .

Gudoomiyaha maxkamada Rafcaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo ku dhawaaqay xukunkan ayaa sheegay in xeer ilaalintu soo cadeyn wayday dambiga musuqmaasuqa ee labadaa masuul maxkamadda gobolku hore ugu xukuntay xadhiga , sidaa darteedna uu amrayo in la sii daayo .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo maxkamadda joogay wuxuu ku soo waramayaa in Maxkamadda oo la hor keenay labadaa mas'uul iyagoo xiran ay dadweyne badan oo joogay markii xukunku dhacay ay sacab iyo dammaashaad bilaabeen.


Xeer ilaaliyayaasha dawladda ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in rafcaan ka qaadan doonaan xukunkan maxkamadda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.