
Ciidamada Turkey ayaa la geeyay xuduuda tan iyo markii uu kordhay dagaalka Syria.
Madfac kale oo laga soo riday saldhigyo milatari ee Syria, ayaa ku soo dhacay koonfurta Turkey, taasoo keentay in ciidamada Turkey ay weerar difaac ah qaadaan.
madfaca ayaa ku soo dhacay meel u dhow tuulada Guvecci ee gobolka Hatay.
Qasaaro ilaa hadda malama sheegin.
Waa maalintii afraad ee ay xuduuda dagaalo ka socdaan.
Shan qof ayaa lagu dilay magaalada Akcakale Arbacadii, taasoo keentay cambaarayn ka timid caalamka iyo in dowlada Turkey ay waydiisato Baarlamaanka in ciidamada Turkey ay galaan Syria hadii loo baahdo.