Obama iyo Romney oo is jiiray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Oktoobar, 2012, 04:56 GMT 07:56 SGA
Obama, Romney

Dood kulul ayaa dhex-martay Obama iyo Romney

Waddanka Maraykanka waxaa ka dhacday dood dhexmartay labada murashax ee u tartamaya madaxtinimada dalkaasi.

Madaxweyne Barack Obama iyo Mitt Romney, ayaa isaga hor-yimid doddii ugu horreysey oo ka mid ah saddex kulan oo si fool-ka-fool ay isaga hor imanayaan television-ka.

Labada nin waxaa mid waliba uu soo badhigayaa waxyaabaha uu qaban doono afarta sano ee soo socota haddi uu ku guulaysta doorashada.

Dadka wax indha-indheeya ayaa sheegaya in Madaxweyne Obama uusan u hadlin sidii laga filayay.

Doodda labada nin waxay diiradda saartay dhaqaalaha, canshuurta iyo caafimaadka.

Romney ayaa sheegay in siyaasadda Obama ee ku dhisan dhaqaalaha hoos u daa-dagayo ay dhibaato ku tahay Maraykanka. Obama waxaa uu sheegay in hadii la doorto Romney, uu dhaqaalaha Maraykanka laba-laab hoos u dhici doono, marka la bar-bar-dhigo dhibatadii dhaqaale ee uu sababay madaxweyihii hore George Bush.

Romney ayaa kulankani u adeegsanayay in uu dib u soo noqdo siyaasad ahaan, ka dib markii ay ololahiisa hareeyeen hadallo video ahaa oo uu ku af-lagaadaynayay qeyb ka mid ah cod bixiyayaasha.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.