BBC navigation

Maamul u samaynta Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Oktoobar, 2012, 10:29 GMT 13:29 SGA
Kismaayo

Ciidanka Kenya ayaa galay Kismaayo

Magaalada Nairobi waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo maamul u samaynta Kismaayo.

Urur goboleedka Igad ayaa shirkani marti geliyay, waxaana ay doonayaan in dhinacyada dhamaan ay ka qeyb-qaataan maamul u dhisidda Kismaayo.

Ciidanka Kenya ee hoos tago AMISOM ayaa maalmo ka hor qabsaday magaalada iyagoo kaashanayo dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ka shaki qabaan Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdisamad Maxamd, ayaa sheegay in arrimaha maamul u samaynta gobolka loo dhaafo dowladda cusub ee Soomaaliya, maadama uu dalka ka baxay xilligii kumeel-gaarka.

Afhayeenka ururka Raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar, ayaa BBC u sheegay in ay dhisayaan maamul kumeel-gaar ah oo ay ka war sugayaan shirka ka socda magaalada Nairobi.

Seeraar ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan dhigaynin in dowladda ay magacawda maamullada gobollada.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.