
Weerarka Xalab
Ugu yaraan 27 ruux ayaa lagu diley saddex weerar bambaano oo gawaari laga soo buuxiyey oo ka dhacay magaalada Xalab ee dalka Syria, dhanka ay maamulaan ciidamada dowladda.
Labada weerar ayaa ka dhacay laba goobood.
Sawiro lagu soo bandhigey televishanka ayaa muujinayey khasaare soo gaarey dhismayaasha, god weyn oo ka qodmey waddada weyn ee magaalada iyo meydad lagu sido busteyaal.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka ee Xalab ayaa dhowaanahan sii xoogeystey, kaas oo sababey in magaalada ay laba dhinac u kala qeybsanto.