
Human Rights Watch
Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ku eedeeyey xukuumadda Xamaas ee jiidda Gaza inay nidaamkeeda garsoorka ay ku jiraan falal jirdil iyo tacadiyo kale.
Warbixin uu soo saarey ururka ayaa lagu xusey in maxaabiista badanaaba la garaaco isla markaana la ciqaabo iyadoo la adeegsanayo kuraasta korontada.
Waxaa kaloo booliska maamulka Xamas lagu eedeeyey inay geystaan tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah iyo xarig aan sharciyeysneyn oo dadka loo geysto.
Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamas ayaa BBC u sheegey in eedeymaha ku saabsan jirdilka la geysto ay yihiin kuwo aan sax ahayn, laakiin waxaa uu qirtey inay jiraan kiisas aan sida u badneyn oo gaar ah.
Waxaa uu intaa ku darey in ciidamada amaanka ee Xamas ay sannooyinkankii dhowaa si weyn u hagaajiyeen waxqabadkooda iyo sumcadooda intaba.