
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay cirka iyo baddaba ka weerareen Kismaayo
Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo taageersan dowladda Soomaaliya ay gaareen bartamaha magaalada.
Tani ayaa imaanaysa maalmo ka dib markii ay halkaasi ka baxeen dagalyahanka Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay ciidanka dowladda Soomaaliyeed ayaa sheegay in howshani ay ka qeyb-qaateen boqolaal askari.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Kenya ay magaalada ka soo galeen galbeedka, oo ay saldhigyo samaysanayeen.
Kismaayo ayaa ahayd magaaladii ugu weyneyd ee weli ku harsanayd gacanta ururka Al-Shabaab.
Afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubbooyinka Maxamad Faarax Daahir ayaa sheegay in dadweynaha ay kala kulmeen soo dhawayn.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka baxeen magaalada Kismaayo labo maalmood ka hor, laakin ciidamada Midowga Afrika ee Kenya ayay waqti ku qaadatay in ay galaan magaalada.