BBC navigation

Muslimiinta oo cambareeyay qaraxii Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 Oktoobar, 2012, 05:42 GMT 08:42 SGA

Golaha sare ee muslimiinta dalka Kenya, ayaa cambaareeyey qaraxii shalay lagu weerary kaniisad ku taalla magaalada Nairobi.

Waxaa qaraxaas ku dhintay wiil yar, iyadoo dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Golaha waxa uu ugu baaqay dawaldda in ay si deg deg ah cadaalada u horkeento dadkii ka dambeeyey weerarka.

Sh Cabdullahi Siraad oo ah xubin sare oo ka ah guddiga muslimiinta dalka Kenya, ayaa sheegay in ay tallaabada lagu weeraray kaniisadda ahayd mid loo nisbayn karo Muslimka.

Wuxuu sheegay in madaxda masiixiyiinta dalka Kenya ay ka wada shaqeeyeen xasilinta amniga iyo xalinta khilaafaadka, ayna u sheegeen in ay falkaas si xoog leh u cambaaraynayaa.

Waxaa uu ka dalbaday dowladda Kenya in ay ciddii ka dambaysay cadaaladda hor keento.

Dhinaca kale mid ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan xaafadda Eistleigh ee magaalada Nairobi, Maxamed Cumar ayaa sheegay in cabsidii shalay mar la soo deristay dadka aysan hadda jirin.

Shalay ayaa dadka Kenyan ah oo caraysan ay weerar ku qaadeen xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay. Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay weerarka oo booliiska ay hakiyeen.

Xaaladda magaalada Nairobi ayaa hadda degan.

Askar lagu dilay Gaarisa

Magaalada Gaasia ee dalka Kenyana laba askari ayaa lagu dilay, iyadoo qorshiyihii ay wateenna laga qaatay.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa, Maxamed Macalin, ayaa sheegay in askarta loo adeegsaday bistoolad oo ilaa lix ama todoba xabadood lagu dhuftay.

Waxaa uu sheegay in gacan ay dadwaynaha ka heleen kadib labadii qori oo ahaa G3 mar dambe la helay, iyagoo meel lagu duubay.

Booliiska ayaa sheegay in ay ku daba joogaan dadkii ka dambeeyay dilka askarta, ayna tuhunsan yihiin in ay ka tirsan yihiin kooxda al-Shabab.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.