Yaa hadda maamula Kismaayo?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 September, 2012, 03:08 GMT 06:08 SGA

Magaalada Kismaayo oo shalay aroortii hore ay ka baxeen xoogagii al-Shabaab, ayaanay ilaa hadda galin ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda.

General Cabdikariin Yuusuf Dhagabadan, abaanduulaha ciidamada Soomaaliya, ayaa sheegay in ay amreen in ciidamadu aysan galin magaalada tan iyo inta laga xaqiijinayo in aanay goobaha qaar miino u aasnayn.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in marka hore amniga la sugo.

Ilaa sadex kun ay dhan yihiin ciidamada dowladda ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, waxaana uu sheegay in Kismaayo loo maamuli doono qaab dowladeed oo aanay gacanta u gali doonin koox gaar ah.

Abaanduulaha, ayaa sheegay in waajibka ciidamadu uu yahay in aan nabadgalyada sugaan, isla markaana ay dowladda u dhexe howl u taalla ay tahay sidii ay maamul ugu samayn lahayd gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ay magaalada madaxda u tahay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.