BBC navigation

Odayaal lagu dilay magaalada Kismaayo.

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 September, 2012, 17:17 GMT 20:17 SGA
Kismayo

Ciidanka Kenya ee Kismaayo ku socda

Dagaalyahannada Xarakada Islamiga ee al-Shabaab waxaa la sheegay inay xalay ka baxeen magaalada dekedda ah Kismayo ee koofurta Soomaaliya, oo ahayd magaalada ugu weyn ee gacantooda ku hartay, dhaqaalaha ugu badanna ay ka heli jireen.


Ciidanka Kenya ee ka tirsan ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka hawl gelaya ayaa la sheegay inay joogaan meel 5KM u jirta Kismaayo.


Wararku waxay sheegayaan in magaalada maanta lagu dilay ugu yaraan afar qof oo rayid ah oo u badan rag odayaal magac leh iyadoo aanay jirin ciidan hadda gacanta ku haya magaalada.
Dadka magaaladan deggan waxay kaloo sheegeen in xarumihii al Shabaab ka baxeen ay bililiqeysteen dhallinyaro magaalada ka tirsan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.