
Khariidadda Kismayo
Ciidamada dalka Kenya iyo kuwa soomaliya ayaa kula dagaalamaya Al-Shabaab gacan ku haynta magaalada Kismaayo.
Kismaayo ayaa ah meesha ay ugu xooga badanyihiin Al-Shabaab koonfurta soomaliya.
Kenya ayaa sheegtay in ciidamada wada jirka ah ay qaadeen weerar badda iyo dhulka ah aroornuimadii saaka.
Dadka degaanka ayaa BBC u sheegay in ay arkeen afar markab oo kuwa dagaalka ah oo xeebta ku soo dejiyey ciidanka Kenya.
Waxay intaasi ku dareen in ciidanka Kenya weli ku suganyahay dibeda magaalada.
Al-Shabaab waxay sheegtay in ay ku qasabtay ciidankaasi Kenya in ay difaac ka galaan goobahooda.
Afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab Sheekh Cabdicasis Abu Muscab ayaa BBC u sheegay in urukaasi weli gacanta ku hayo Kismaayo