
Ciidanka Kenya ayaa sheegaya in ay gaareen Kismaayo
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay gaareen magalada Kismaayo.
Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay in ciidankooda ay galeen qeybo ka mid ah maagaladaasi.
Cyrus Oguna oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay rajaynayaan in ay la wareegi doonaan magaalada oo dhan saacadaha soo socda.
Hasa ahaatee, dadka degaanka oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in ciidanka Kenya aanay qabsanin magaaladaasi, in kasta oo ay sheegeen in ciidanka Kenya iyo Soomaaliya ay soo gaareen duleedka magaalada.
Ciidanka Kenya ayaa dalka Soomaaliya galay bishii October ee sanadkii hore iyagoo sheegay in ay la dagaalamayaan Al-Shabaab.
Ciidanka Kenya waxay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afria ee AMISOM.