
Ra'iisul wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa ka digay in Iran hadii aan la joojin ay yeelan doonto in ku filan macdanta la tayeeyay in ay samaysato bomb-kii ugu horeeyay ee nuclear waqti ka mid ah sanadka soo socda.
Isagoo khudbad ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa Mr Netanyahu wuxuu sheegya in qad cas ay waajib tahay in loo dhigo rabitaanka nuclear ee Iran.
Wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in Maraykanka iyo Isreal ay samayn karaan qad guud oo looga hortago Iran in ay yeelato hub nuclear balse aad looga daahay in sidaas la yeelo.
Iran ayaa sheegtay in ay ku aargudan doonto wax ay ugu yeertay "awood buuxda" weerar kasta oo lagu soo qaado kadib markii ra'iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu oo ku baaqay in qad cas la sameeyo si looga hor istaago xukuumadda Tehran in ay hesho hub nuclear.
Ku xigeenka safiirka UN u jooga Iran, Eshagh al-Habib ayaa sheegay in Mr Netanyahu uu soo jeediyay eedo aan sal lahayn, isagoo sheegay in dalkiisa uu awood ku filan leeyahy uu isku difaaco.