
Ciidanka Kenya ayaa ku sugan meel 50 kilometer u jirto magaalada Kismaayo
Dowladda Kenya ayaa qirtay in askari ka tirsan ciidankeeda uu dad rayid ah ku dilay magaalada Jannay Cabdalla.
Warbixin ka soo baxday wasaaradda difaaca ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda ay baareysa sida ay wax u dhaceen.
Warbixinta waxaa kale oo ay sheegtay in askariga lagu eedeynayo in uu dilkaasi geystay hubka laga dhigay oo baritaan lagu wado.
Kenya ayaa sheegtay in dilkaasi uu ka dembeeyay weerar ay ururka Al-Shabaab ku soo qaadeen ciidankooda.
Ciidanka Kenya ayaa dalka Soomaaliya galay bishii October ee sanadkii hore iyagoo sheegay in ay la dagaalamayaan Al-Shabaab.
Waxaa ay haatan 50 Kilometer u jiraan magaalada Kismaayo ee xeebta.
Warbixinta Kenya waxaa lagu sheegay in ciidankooda ay halkaasi u tagay in uu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Kenya waxay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.