
Wararka naga soo gaaray gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ilaa 9 qof oo rayid ah ay lagu toogtay howlgal ay ka dambeeyeen ciidamada dalka Kenya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
9 qof ee rayidka ayaa lagu toogtay deegaanka Janaay Cabddalla oo ciidamadu galeen kadib markii weerar gaadmo ah ay kala kulmeen xoogaga al-Shabaab ee gacanta ku haya inta badan gobolka.
Aadan Maxamed Xirsi, afhayeenka ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala gobolada Jubbooyinka, oo Maxamed Maxamuud Dhoorre u waramay, ayaa sheegay in dadkan ay dileen ciidamada Kenya.
Wuxuu ka dalbaday madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya in uu jawaab ka bixiyo dadka rayidka ah ee la laayay.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col Cali Xaamud oo isaguna u waramay Cabdiraxmaan Koronto ayaa sheegay in arrintan la baari doono, oo isla markaana tallaabo laga qaadi doono ciddii ay ku caddaato in ay gaf gaysatay.