BBC navigation

Ciidamo ka socda Djibouti oo gaaray Beledweyn

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 September, 2012, 05:17 GMT 08:17 SGA

Media Player

Ciidamada dalka Djibouti oo ka mid ah kuwa AMISOM ayaa gaaray magaalada Beledweyne. Waxay gaarayaa ilaa 250 oo baabuur ku tagay caasimadda Hiiraan.

Colone Cali Xaamud

In ka badan laba boqol oo qof oo isugu jira maleeshiyo iyo dad rayid ah oo la sheegay in ay ka soo carareen kooxda al-Shabaab ee maamusha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isku soo dhiibay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

AMISOM, ayaa sheegtay in ilaa laba boqol maleeshiyo oo ka soo goosatay al-Shabab ay isu soo dhiibtay.

Waxaa kaloo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan gaaray ciidamo ka socda dalka Djibouti oo iyagoo baabuur wata halkaas tagay.

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa hadda ku dhow ilaa labaatan kun, iyagoo ka kala socda ilaa afar dal.

Hadaba si aan arrimahaas wax uga ogaanno, ayaa Cabdiraxmaan Koronto, wuxuu telefoonka kula xiriiray afhayeenka ciidamada AMISOM Colonel Cali Xaamud oo uu marka hore waydiiyay ciidamada Djibouti ee gaaray magaalada Beledwayne.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.