
Dadwayne caadi ah oo Libyan ah ayay isku dhaceen dagaalyahaniinta maleeshiyo ku sugan magaalada Benghazi kadib dibadbax aad u wayn oo ay dadka magaalada kaga soo horjeedeen awoodda kooxo hubaysan oo aan dowli ahayn.
Dhowr saldhigyada maleeshiyooyinka ayaa dibadbaxayaashu iyo booliiska military-gu xoog ku galeen.
Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay, iyadoo ku dhowaad afartan qof ay ku dhaawacmeen.
Rag hubaysan ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha oo ku sugnaa xarumaha guutada al-Sahaty, dibadbaxayaashu waxay xoog ku galeen saldhigyada maleeshiyada Ansar Al-Sharia oo lala xiriirinayo dhacdadii todobaadkii hore lagu dilay safiirkii dalka Maraykanka.