
Raii'iisalwasaaraha cusub ee ethiopia
Ra'iisalwasaaraha cusub ee Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta loo dhaariyey xilkiisa cusub, ka dib markii uu geeriyoodey Meles Zenawi oo dalkaasi soo xukumayey tan iyo 1991.
Waxaa kale oo isna la dhaariyey ra'iisalwaare-ku- xigeenka Demeke Mekonen, oo ka soo jeeda qawmiyadda Amxaarada, ahaana wasiirka tacliinta ethiopia. Hailemain iyo Mekonen barlamaanka Addis Ababa ayaa lagu hor dhaariyey maanta oo jimce ah.
Haddaba dhaartii k adib ayuu.R/wasaaraha cusub hadlay oo wuxuu ballanqaaday inuu taageerayo xasilinta geeska africa, uuna sii wadi doono dadaaladii ethiopia markii uu xukumay M Zenawi ay ka waday diblomasiyadda somalia iyo labada sudan.
Waxaa kale oo Hailemarim uu sheegay inuu ku soocon doono siyaasadihii dhaqaalaha ee meles.iyo inuu xuquuqda bani aadanka ethiopia sii adkeyn doono.
Hailemarim wuxuu ka dhashay qolada Walayto ,waa kirishtaan protestan ah halka R/wasare ku xigeenkuna u dhashay qolada Amhara,waana muslin ah.