
Qaraxa Muqdishu
Ilaa 14 qof ayaa ku dhintay, in ka badan labaatanna way ku dhaawacantay laba qarax oo ismiidaamin ah oo caawa isku mar ka dhacay huteel Village oo u dhaw tiyaatarkii magaalada Muqdishu.
Waraka muqdishu waxay sheegayaan inay laba qof oo ismiidaaminayaa ay ku kaceen falkaasi, xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah oo u badan dad qurbajoog ahaa oo ka tegey debadda, suxufiyiin iyo saraakiil ka kala tirsan dawladda iyo baarlamaanka.
Dadka dhintay waxa la ogyahay inay ku jireen suxufiyiin qaarkood ka tirsanaayeen idaacadaha iyo telifishannada.
Huteelka lagula kacay qaraxani, oo ilaa hal kilomitir u jira madaxtooyada, waxa lahaa nin ka mid ah dadka qurbajoogga ah oo ka tegey dalkan Ingiriiska.
Toddobaadkii horena, waxa weerar noocani oo kale ah lagula kacay Huteel Jazeera oo ku dhaw garoonka diyaaradaha, halkaasi oo waqtigaas uu ku sugnaa madaxweynaha cusubi, mudane Xassan Sheekh Maxamuud.