
Weerarro ayaa Muqdisho ka dhaca in kasta oo ay Al-Shabaab ka baxeen
Dhowr ruux ayaa ku dhintey hoobiyayaal lagu garaacay dagmooyinka Shibis iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo umul ahayd.
Duqeyntani waxaa ku dhaawacmey ugu yaraan 10 ruux oo rayyid ah.
Tan iyo bartamihii sanadkii hore, Muqdisho waxaa ka dhacay dhwor weerar oo is-miidaamis ah. Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay magaalada bishii August ee saandii 2011.
Weriye BBC ugu soo warramay Muqdisho ayaa sheegey in weerarrada noocan ah ay cabsi gelinayaan dadka rayyidka ah.
Weerarka waxaa u dhacay xilli habeenkii iyada dadka ay hurdayeen.
10-ka September ayay xildhibaanada Soomaaliya cod aghlabiyad ku doorteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo caqabadaha hor-taagan ay ka mid yihiin sugidda ammaanka dalka Soomaaliya.