
Boqolaal guri ayaa lagu gubey degaanka Tana River dhoworkii toddobaad ee la soo dhaafay
Ciidamada nabad-sugidda Kenya iyo dadka degaanka ayaa sheegaya in labo qabri wadareed laga helay koonfur-bari dalkaasi.
In ka badan 100 ruux ayaa lagu diley degaanka Tana River dhworkii todobaad ee la soo dhaafey, iyadoo halkaasi ay ko socdaan dagaallo qabiil oo u dhaxeeya qowmiyado halkaasi degan.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka xeebta ee ay Tana River ka tirsantahay, Aggrey Adoli, ayaa BBC u sheegey in ay sugayaan amar maxkamadeed si ay u qufaan qabuurtaasi.
Dowladda dalka Kenya ayaa degaankaasi gaysay ilaa 2,000 askari si ay amaanka u sugaan. Bandow ayaa lagu soo rogey magaalooyinka ay dhawaantan ka dhaceen dilka.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa u digey madaxda hurineysa dagaalka qabiil, waxaana maxkamad la soo taagey oona jagadii laha qaadey, Dhadho Gidana, oo ahaa wasiir ku xigeen ka soo jeeday degaankaasi.
Dadka wax indha-in-dheeya ayaa qabo in dagalkaasi uu la xiriiro arrimo siyaasadeed.