
Dagaallada Kismayo
Magaalada Kismayo ee xarunta gobolka J/hoose oo 24kii saac ee la soo dhaafay la xaqiijinyo in ciidamadii xarakada shakab ay isaga bexeen magaalada oo ay duulaan ku yihiin ciidamada dawladda iyo kuwa Kenya ee AU oo ku talagalkoodu yahay in ay magaalada kismaayo gacanta ku dhigaan.
Dadka magaalada qaar ka mid ah oon la xiriirnay ayaa warar is-khilaafsan nooga sheegay xaaladda magaalada.qaar waxay sheegeen in xaaladu degan tahay oo goobaha ganacsiga,sida bakhaarada,xawilaadaha iyo makhaayaduhu ay sidoodii u furan yihiin,hase ahaatee qaar kale waxay leeyihiin magaaladii waa laga qaxayaa oo cabsi darteed ayaa dadku u qaxayaa tuulooyinka..iyadoo ka baqaya haddii magaalada la isugu soo galo waxa dhici kara.
Laanta UN u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in dhowr kun qof ay ka carareen magaalada kismaayo maalmihii la soo dhaafay. wakiilka UNHCR ee somalia Bruno Geddo ayaa uga waramay BBC dadkii ka qaxay kismaayo iyo halka ay u carareen oo ku tilmaamay dhinaca duurka miyiga iyo in maalin kasta ilaa qof ka qaxaan magaalada.