
Maanta waxaa si rasmi ah loo caleema-saarey madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo munaasabaddasi ay ku dhamaatey si nabad ah.
Madaxweynaha cusub, oo maalintii Arbacada ka bad-baadey isku day dil, ayaa sheegey in howlaha ugu muhimsan ee uu qabanayo ay yihiin ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta.
Xafladda lagu caleemo-saarey madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaa ka qeyb-qaatey hogaamiyayaal ka socda gobolka, oo ay ka mid yihiin Raisla Wasaaraha Cusub ee Itoobiya iyo madaxweynaha Djibouti.
Sida uu sheegayo weriyaha BBC uga soo warama magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, dadka reer Muqdisho ayaa ka war-sugayo madaxwaynaha cusub sida uu wax uga qabanayo dhibaatooyinka haysta ee dhinaca amniga uu ka mid yahay.