
Booliska ayaa sheegey in hub culus ay ka soo qabteen xafadda Eatsleigh
Mid kamid ah laba nin oo laga soo qabtey xaafada Soomalida ee Eastleigh, ee maagalada Nairobi, ayaa qirtey in uu xubin ka yahay Al-Shabaab.
Cabdimajid Yasin Maxamad ayaa maxkamad ka hor qirtey dhamaan dambiyada lagu soo eedeye oo ay ku jirto in uu leeyahay hub culus oo boolisku ay ku sheegeen in lala soo xirey labadaasi eedeysane.
Saaxibkii Cumar Cabdi Aadan oo isaguna maxkamadda joogey ayaa diidey eedeymahaasi.
Xaakinka dacwadda dhageysaneysey, Lucy Nyambura, aya dalbatey in Cabdimajid Yaasiin loo diro takhtar, sii loo hubiyo in dhimirkiisa uu buuxo iyo in kale.
Booliska dalka Kenya ayaa labadani nin ka soo xirey xaafadda Eatsleigh, waxayna sheegeen in ay qorsheynayeen in ay weerarro ka geysteen gudaha dalka Kenya.