
Ciidanka booliiska Kenya ayaa waxa ay qabteen hub, bambooyin iyo suumanka la isku qarxiyo
Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa waxa ay xireen laba qof oo Soomaali ah oo laga shakiyay kadib markii weerar ay ku qaadeen xaafadda Soomaalida ee Eastliegh ee magaaada Nairobi.
Guriga ay ciidamada booliisku weerareen ayaa laga helay noocyo kala duwan oo hub iyo isugu jira babooyin iyo suumanka la isku qarxiyo.
Afhayeen u hadlay ciidanka Booliiska Kenya ayaa u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP, inuu rumeysan yahay in ragga laga shakiyay ay qorshaynayeen weerar lagu qaado kaniisad.
Kenya ayaa waxa dhawr jeer ka dhacay qaraxyo tan iyo markii ciidamadeedu galeen Soomaaliya sanadkii hore si ay ula dagaallamaan kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.