
UNICEF waxa ay sheegeysaa in ay hoos u dhacday dhimashada carruurta adduunka
Hey'adda sanduuqa badbaadada carruurta ee Qaramada Midoobay UNICEF, ayaa sheegtay in ay si weyn hoos ugu dhacday tirada dhimashada carruurta labaatankii sano ee u dambeeyay.
UNICEF waxa ay sheegtay in hoos u dhacan qeyb ahaan uu ka yimid, barnaamijyo si wanaagsan loo maareeyay oo gargaarka dibedda ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin tallaal raqiis ah iyo aqoonta caafimaadka.
Kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha dadka ayaa sidoo kale yareysay dhimashada carruurta.
Peter Smerdon oo ka tirsan UNICEF ayaa BBC u sheegay in ujeedadu ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa in dhimashada carruurta yaryar ay sii yaraato weliba tiro sidaa kasii xooggan.
Waxaa lagu qiyaasey sanadkii 2011 in 6.9 milyan oo caruur ka yar shan sano ay dhinteen sanadkaasi, waxaana ay taasi ka yartahay 12 milyan sanadkii 1990.
Dalalka saboolka ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa ka mid ah goobaha ay sida weyn ugu dhintaan carruurta da'doodu yar tahay cuduro laga daweyn karay.