
Safiirkii Mareykanka ee Libya John Christopher Stevens
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa si kulul u cambaareeyay dilka safiirka Mareykanka ee Libya, Christopher Stevens.
Nin madax ah oo ka tirsan dowladda Libya ayaa u sheegay BBC in safiirkii Mareykanka ee magaalada Tripoli, John Christopher Stevens, lagu dilay weerar xalay lagu qaaday qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Benghazi ee dalka Libya.
Sarkaalka Libya waxa uu sheegay in Safiirku u dhintay markii hawada ama neefta lagu celiyay.
Dowladda Mareykanku waxay ku tilmaantay arrin nasiib adrro ah, isla markaana sheegtay inay kala shaqeyn doonto dowladda Libya sidii loo soo qaban lahaa ciddii ka dambeysay dilka.
Qunsuliyadda Mareykanka ee Benghazi ayaa dab la qabadsiiyay, oo rag hubeysan ay ku weerareen qoryo baasuuka ah, kuwaasi oo ka xanaaqsanaa film la sheegay in lagu cambaareynayay Nabi Muxamed NNKH.
Waxaa kale oo weerarka lagu dilay saddex qof oo ka tirsan shaqaalihii safaaradda Mareykanka.