
Rabshadaha ka dhacaya magaalada Qaahira ayaa dib u soo cusboonaaday
Rabshado dheeraad ah ayaa ka dhacay dalal dhawr ah oo Carbeed kuwaasi loo lagu bartilmaameedsaday safaaraddaha Mareykanka. Dadka ayaa ka mudaharaadaya filim la sheegay in lagu aflagaadeynayo Islaamka.
Rabshado dheeraad ah ayaa ka qarxay banaanka hore ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Qaahira, kuwaasi oo u dhexeeya ciidanka booliiska iyo dad badan oo ka mudaharaadaya filimka.
Telefishinka Masar ayaa soo saaray sawirro uujinaya baabuur booliis oo gubanaya iyo dad ka cararaya sunta dadka ilmada ka keenta.
Magaalada caasimadda u ah dalka Tunisia ayaa iyana dad mudaharaadaya waxa ay xoog ku galeen safaaradda Mareykanka, kaddib dhawr saacadood oo banaanbax nabadeed uu ka dhacayay albaabka hore ee safaaradda.
Waxaa kale oo iyana la isku dayay in xoog lagu galo safaaradda Mareykanka ee Yemen.
Waxaa mudaharaadyo iyaguna laga soo sheegay Tunisia, Morocco, Gaza, Sudan, Mauritania iyo Iran.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanaka, Hillary Clinton, ayaa ku tilmaanay filimka wax foolxun oo ay tahay in la diido, laakiin aan marnaba qiil siin karin rabshad.
Waxaana NATO ay digniin siisay ciidankeeda ka jooga Afghanistan oo laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhacaan.