
Marka qaraxu dhacay Madaxweynaha cusub ayaa kula kulmayay hotelka wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la dejiyey aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii weerar lagu qaaday hotelkii uu deggenaa. AMISOM ayaa sheegtay in iyaga iyo ciidanka dowladda Soomaaliya inay fashiliyeen weerarka. Shabaab ayaa iayana sheegatay inay ka danbeysay weerarka.
8 qof oo ay ku jiraan ciidanka dowladda, kuwa AMISOM, rayid iyo kuwii is qarxiyay ayaa ilaa hadda la ogyahay inay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Hadal qoraal ah oo ay soo saareen ciidanka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in iyaga iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ay fashiliyeen weerar lala damacsanaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in hal askari uu ku dhintay, saddex kalena lagu dhaawacay weerarka oo dhacay xilli Madaxweynaha uu ka hadlayay shir jaraa'id.
al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka, oo ka dhacay banaanka hotelka uu deggan yahay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.
Qaraxa ayaa waxa fuliyay sida la sheegay laba nin oo baabuur watay, oo intay dageen baabuurka lug inay ku galaan hotelka isku dayay. Mid ayaa isku qarxiyay hotelka hortiisa, halka kan kalena ay toogteen ciidanka ammaanka.
Baabuurkii ay wateenna waxa uu ku qarxay meel u dhaw hotelka.
Xarakada al-Shabaab ayaa hadal qoraal ah oo ay ku soo qoreen boggooda Twitter waxay ku sheegeen in weerar ay ku guuleeysteen ku qaadeen hotel u dhaw garoonka diyaaradaha oo uu ka dhacayay kulan sare oo muhiim ah.
Waxaa xilliga qaraxu dhacay Madaxweynuhu la kulmayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya.
Ciidanka ammaanka ayaa la sheegayaa in ay xireen aagga u dhaw hotelka oo la yiraahdo Jasiira.
Ma jiraan wax dhibaato ah oo gaaray Madaxweynaha iyo mas'uuliyiintii kale oo joogay hotelka.