
Dhisaha dabka uu ka kacay ee magaalada Karachi
Ugu yaraan laba boqol iyo sagaashan qof ayaa inta la og-yahay ku dhintay dab weyn oo ka kacay warshad dharka lagu sameeyo oo ku taal magaalada labaad ee ugu weyn dalka Pakistan ee Karachi.
Dad goob-joog ah ayaa sheegay dad ka soo laadlaaday daaqadaha dhisme weyn oo dabaqyo ah iyo qaar ka boodayay si ay dabka uga baxsadaan.
Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in daaqadaha ay ku xirnaayeen biro, isla markaana warashaddu aanay lahayn meel haddii dhibaato dhacdo si deg deg looga bixi karo.
Ku dhawaad afartan baabuurta dab-damiska ah ayaa la geeyay oo ka shaqeynaya ilaa xalay oo dhan si ay u damiyaan dabka.
Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay dabkii ugu ba'naa ee soo mara dalka muddo toban sano ah.
Talaadadii ayaa isna dab ka kacag warshad kabaha lagu sameeyo oo ku taal magaalada Lahore, waxaa ku dhintay 25 qof, waxaa la bilaabay baaritaan lagu sameynayo labada dab waxa keenay.