
Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu ka mid ahaa raggii wax weyn ka qabtay waxbarashada Soomaaliya sanadihii dagaalku socday
Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa ku tilmaamay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka siyaasadda Soomaaliya.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Raiisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in xilligan ay u tahay Soomaaliya mid qiime weyn ugu fadhida.
Laakiin waxa uu sheegay in Soomaaliya billooyinka iyo sanadaha soo socda ay tahay mid adag hanaanka ay ugu guureyso dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya ayaa waxa u hambalyeeyay madax kala duwan oo caalamka ka tirsan.
Xubnaha hambalyada u diray Madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka Soomaaliya waxa ka mid ah, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi oo sheegay in doorashada Madaxweynaha cusub ay ahayd mid ku dhacday si xor ah oo caddaalad ah.
Waxa uu ballanqaaday taageerada guddiga Midowga Afrika iyo midd AMISOM oo weliba si gaar ah uu ugu balanqaaday Madaxweynaha cusub, dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu filayo inay wada shaqeyn doonaan.
Madaxweynaha cusub, Xasan Shiikh Maxamuud, oo hadlayay markii la doortay ayaa waxa uu ammaanay Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Shiikh Shariif oo uu yiri "Madaxweyne Shariif waa saaxiibkeyga shalay, maanta iyo berriba."
Waxa uu ku ammaanay isbeddelka muhiimka ah ee uu ku hirgeliyay arrinta doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha cusub ayaa weydiistay shacbiga Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan sidii ay Soomaaliya dib uga soo kaban lahayd dhibaatada dhacday.
Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Shiikh Shariif oo isna hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashada oo ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu yahay Xasan Shiikh Maxamuud, kadib markii uu ka guuleeystay wareeggii u dambeeyay Shariif Shiikh Axmed. Xasan Shiikh waxa uu helay 190, Shiikh Shariifna 79.