BBC navigation

Xasan Shiikh ayaa loo doortay Madaxweyne

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 September, 2012, 18:34 GMT 21:34 SGA

Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu ka mid ahaa raggii wax weyn ka qabtay waxbarashada Soomaaliya sanadihii dagaalku socday

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu yahay Xasan Shiikh Maxamuud kadib markii uu ku guuleeystay tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu kaga guuleeystay wareeggii ugu dambeeyay Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed. Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu helay 190 cod, halka Shariif Shiikh Axmed uu ka helay 79.

Guddiga Doorashada ayaa mar walba ku dhawaaqayay codadka la kala helay.

Markii hore wareegga labaad waxaa u soo gudbay Shariif Shiikh Xasan, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cabdiwali Maxamed Cali.

Laakiin waxaa ka tannaasulay intii aan la gelin wareegga labaad oo ka baxay tartanka Cabdiwali Maxamed Cali oo heystay 30 Cod iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali oo heystay 27 Cod

Markaas ayaa wareegga u dambeeya waxaa u tartamay labada musharrax ee kala ah:

Shariif Shiikh Axmed, oo heystay 64 Cod.

Xasan Shiikh Maxamuud oo heystay 60 Cod

Waa markii ugu horreysay ee doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo dalka gudihiisa tan iyo markii ay burburtay dowladdii militeriga ee Soomaaliya 1991.

Wareeggii koowaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu kala bixi waayay. waxaana ay musharraxiintu kala heleen codadkan:

1. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow - 21
2. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex - 30
3. Cadbullaahi Axmed Caddoow - 24
4. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas - 30
5. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo - 14
6. Axmed Ismaaciil Samatar -8
7. Xasan Shiikh Maxamuud - 60
8. Shariif Shiikh Axmed -64
9. Yusuf Garaad Cumar -8
10. Cumar Salaad Cilmi -2
11. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi - 0
12. Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin -2
13. Cabdulqaadir Cosoble Cali -27
14. Maxamed Axmed Saalax -0
15. Salaad Cali Jeelle -0
16. Ibraahim Cali Xuseen -0
17. Saciid Ciise Maxamuud -1
18. Cismaan Maxamed Gacal -1
19. Maxamed Cabdullaahi Oomaar -1
20. Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf
21. Maslax Maxamed Siyaad Bare -0
22. Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi - 1

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.