Taariikhda Madaxweynaha cusub

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 September, 2012, 20:30 GMT 23:30 SGA

Xasan Shiikh Maxamuud waa nin aqoon yahan

Xasan Shiikh Maxamuud Waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955.

Xasan Shiikh Maxamuud waa nin aqoon yahan, isla markaana u dhaqdhaqaaqa ururada bulshada.

Waxa uu u soo shaqeeyay hey'ado caalami ah iyo kuwo waddani ah oo oo nabadda iyo horumarinta ka shaqeeya.

Xasan Shiikh waxa uu ka qalin-jabiyay jaamacadda qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1981.

Waxa uu sii waday waxbarshadiisa isagoo aaday dalka India halkaasi oo ka qaatay shahaadada labaad ee jaamacadda Bhopal University 1988.

Shan sano kadib waxa uu u shaqo bilaabay hey'adda sanduuqa badbaadada carruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu u noqday sarkaalka waxbarashada ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ilaa Nabad ilaaliyaashii Qaraada Midoobay ay ka baxeen Soomaaliya sanadkii 1995.

Waxa uu wax ka aasaasay machadka SIMAD ee magaalada uqdisho oo lagu barto culuunta maamulka iyo horumarinta, oo markii dambena uu ka dhigay jaamacadda SIMAD.

Sanadkii 2011, waxa uu aasaasay xisbiga Nabadda iyo Horumarinta, waxaana uu ilaa hadda yahay guddoomiyeeda.

Waxa uu ku hadlaa luqadaha Ingiriis iyo Soomaali.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.