
Maanta waa 10ka September waa maalintii ay u qabteen guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya in ay dhacdo doorashada madaxwaynaha Soomaaliya.
Diyaar garow ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo goor dhaw ay xildhibaanada baaralamaanka oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed ay u dhaqaaqayaan in ay codkooda dhiibtaan.
Baarlamanka Somalia ee cusub wuxuu ka kooban yahay 275 xubnood, iyadoo ilaa 24 musharax ay u tartamayaan jagada madaxwaynenimada Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
25 musharax ayaa u khudbeeyay baarlamaanka balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka madaxtinimada Soomaaliya.
Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aden ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanku ay aroornimadiiba isu diyaariyeen in ay u dareeraan goobta ay codkooda ku dhiibanayaa.
Doorashada ayaa ah sadex wareeg hadii wareegga koowaadba uu musharaxna heli waayo sadex meelood laba meel tirada xubnaha baarlamaanka, wareegga labaad waxaa u gudbaya afar musharax hadii midkoodna uu hadana heli waayo tiradaas, ayaa labada musharax ee ugu codka badan ay u gudbaysaa wareegga sadexaad oo ay ku kala baxayaan cod hal dheeri ah, sida uu weriye Daud Aweis u sheegay afhayeenka guddiga doorashada, Cismaan Libaax Ibraahim.