BBC navigation

Xasan Shiikh ayaa la doortay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 September, 2012, 09:33 GMT 12:33 SGA

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guuleesytay Xasan Shiikh Maxamuud.

Wareeggii koowaad ayaa lagu kala bixi waayay. Waxaa loo gudbayaa wareegga labaad oo ay tartami doonaan laba murrashax oo kala ah, Shariif Shiikh Xasan iyo Xasan Shiikh Maxamuud. Cabdi wali Gaas iyo Cabdulqaadir Cosoble oo usoo baxay wareegga labaad ayaa ka baxay tartanka.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay codadka la kala helay. Wareegga labaad waxaa u soo gudbay Shariif Shiikh Xasan, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cabdiwali Maxamed Cali. Laakiin waxaa ka tannaasulay intii aan la gelin wareegga labaad oo ka baxay tartanka Cabdiwali Maxamed Cali oo heystay 30 Cod iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali oo heystay 27 Cod

Wareegga u dambeeya waxaa u tartamaya hadda labada musharrax ee kala ah:

Shariif Shiikh Axmed, oo heystay 64 Cod.

Xasan Shiikh Maxamuud oo heystay 60 Cod.

Daawo Halkan si toos ah uga daawo

Doorashada oo ay goob joog ka yihiin xubno ka kala socda beesha caalamka, waxaa ay ka dhaceysaa dugsiggii sare ee booliiska ee magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu dooranaya Madaxweyne cusub oo hoggaamin doona Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa u tartamaya 22 musharrax oo shalay iyo dorraad baarlamaanka ka horjeediyay khudbado ay kaga hadlayaan wax qabadkooda.

Waxaa isaga baxay tartanka saddex musharrax oo kala ah Xuseen Khaliif Jaamac, Bashiir Nuur Xasan iyo Cabdiraxmaan Cabdishaku.

Guddigu waxa ay sheegeen in wareegga koowaad cidii 24 ka musharrax hesha saddex meelood laba meel codadka inay noqoneyso Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddii qof uu ku guuleeysan waayo wareegga labaad waxaa gelaya afarta murashax ee ugu codadka badan.

Waxaa jiri doona wareeg saddexaad haddii midkoodna uu heli waayo saddex meelood laba meel codadka, markaa wareegga ugu danbeeya waxa galaya laba qof oo keliya.

Waa markii ugu horreysay ee doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo dalka gudihiisa tan iyo markii ay burburtay dowladdii militeriga ee Soomaaliya 1991.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.