
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa qudbad uu u jeediyay taageerayaasha xisbigiisa waxaa uu ku aqbalay magacaabista in uu doorashada madaxtinamada uu u matalo xisbiga Dimoqraadiga si uu mar labaad u noqdo madaxwayne.
Obama, ayaa sheegay in hadafkiisa uu yahay abuuridda shaqooyin cusub , yaraynta daymaha iyo xoojinta dhaqaalaha.
Waxaa uu yiri wixii la soo maray waxa ay aheyd wadiiqo adag laakiin waxaa ay inoo hoggaamisay wanaag ayuu yiri Obama.
Waxa uu doorashada ku sifeeyay inay tahay kala doorasho labo aragti oo aasaasi u ah aayaha iyo mustqabalka dalka Mareykanka.

Khudbada, oo toos looga sii deynayay Telefishinada, ayaa waxaa daawanayay malaaiyiin Maraykank ah, oo weli in badan oo ka mid ah aaney go'aansan qofkii ay u codeyn lahaayeen.
Aragtiyada doorashada ee dadweynaha Mareykanka, ayaa waxa ay muujinayaan in weli ay tiro ahaan barbarro yihiin Barack Obama iyo ninka murrashaxa u ah xisbiga Jamhuuriga ee isaga la loolmaya Mitt Romney.