
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Hillary Clinton
Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ka dhigeysaa kooxda fadhigeedu yahay dalka Pakistan ee Xaqaani inay tahay koox argagaxiso.
Arrintan ayaa waxaa si rasmi ah u taageeray maanta Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Hillary Clinton, waxaana ay ka dhigan tahay in kooxda Haqqani ay Mareykanku cunaqabateyn dhaqaale saari doonaan.
Dadka indha indheeya siyaasadda ayaa sheegaya in arrintan ay wax u dhimi karto xiriirka xasaasiga ah ee Washington ay la leedahay dalka Pakistan.
Hogaamiyayaasha Xaqaani ayaa sheegay in tallaabada Mareykanku ay muujineyso in aanay daacad ka ahayn inuu raadiyo xal wada xaajood oo lagu dhameeyo dagaalka Afghanistan.