
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxay dhacaysaa 10-ka Sebtember
Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa hadda ay 31 qof siiyeen foomamka ay soo buuxinayaan dadka u tartamaya jagada madaxtinimada Soomaaliya.
Guddiga ayaa waxa ay sheegeen inay kala saari doonaan xubnahaasi oo ay eegi doonaan cidda soo buuxisa shuruudaha laga doonayo dadka u sharaxan madaxtinimada Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in laba maalmood kadib ay ku dhawaaqaan xubnaha sida rasmiga ah u tartamaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Shuruudaha laga doonayo dadka u tartamaya xilka madaxtinimada ayaa kala ah:
- Inuu Soomaali yahay.
- Inuu caafimaad qabo.
- Inuu afartan sano ka weyn yahay.
- In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn.
- In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
- Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
- Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
- Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
- In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya.
- In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan Sebtember.