BBC navigation

Cabdalla Sanuusi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 September, 2012, 17:38 GMT 20:38 SGA

Cabdalla Sanuusi waxa uu ahaa madaxii hore ee sirdoonka Libya

Cabdalla Sanuusi oo ahaa madaxii hey'adda sirdoonka waddanka Libya ayaa hadda lagu hayaa magaalada Tripoli, ku dhawaad sanad kadib markii uu baxsaday.

Cabdalla Sanuusi waxa uu ahaa ragga sida weyn looga cabsado, waxaana lagu xiray dalka Mauritania, markii uu halkaasi tagay isaga oo watay baasaboor been-abuur ah.

Waxaa baadi goobayay masuuliyiinta Libya dhibaatada la sheegay inuu halkaasi ka geystay iyo weliba Faransiiska iyo maxkamadda dambiyada caalamiga.

Waxaa lagu eedeeyaa inuu galay dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada iyo argagixiso, oo ay ku jirto dilkii in ka badan kun maxaabiista Libya sanadkii 1996 iyo bamkii dayaarad Faransiisku lahaa 1989.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.