Kenya oo qiratay duqaynta Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 September, 2012, 18:33 GMT 21:33 SGA

Kismaayo waa magaalada ugu weyn ee hadda ku hartay gacanta al-Shabaab

Afhayeenka u hadlay ciidanka Kenya, Kolonel Cyrus Oguna ayaa BBC u xaqiijiyay in ciidanka badda ee Kenya ay duqeeyeen magaalada Kismaayo. Waxa uu sheegay in ay qeyb ka tahay dagaalka lagu doonayo in lagu qabsado magaalada.

Dadka deggan magaalada Kismaayo, oo ay gacanta ku hayaan kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ayaa BBC u sheegay in xalay magaalada laga soo duqeeyay dhinaca badda.

Dadka deggaanku waxay sheegeen in duqayntu ay ka timid maraakiib badda taagan.

Afhayeenka ciidamada Kenya, waxa uu ka gaabsaday xilliga ay ciidanka Kenya oo ka mid ah kuwa AMISOM ay geli doonaan magaalada.

Ciidamada militeriga ee Kenya ayaa isu diyaarinaya dagaal ay ku qaadaan magaalada.

Dadka magaalada ayaa sheegay in ay dhawr madfac ku soo dheceen dekedda iyo garoonka dayaaradaha ee magaalada.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in al-Shabaab ay dib isku qabanqaabinayaan si ay u difaacaan magaalada Kismaayo.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.