
Dagaalka ka soconaya bariga dalka Koongo ayaa saameeyay kumanaan qof oo ku nool gobolkaasi
Britain ayaa go'aansatay inay xannibaadda ka qaado kala bar lacag dhan 25 milyan ee Dollar oo gaar ahaan loogu talagalay dalka Rwanda, taasi oo la xanibay Bishii July.
Britain waxa ay ka mid ahayd waddamo dhawr ah oo reer Galbeed ah oo joojiyay kaalmadii ay siin jireen Rwanda, kadib markii warbixin Qaramada Midoobay ay ku eedeysay in Rwanda ay taagereyso kooxaha mucaaradka ee ka dagaallamnaya bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.
Si kastaba ha ahaatee hadal ay soo saartay wasaaradda horumarinta caalamiga ee Britain ayaa waxa lagu ammaanay Rwanda sida wanaagsan ee ay ugu lug leedahay dadaalka lagu xallinayo khilaafka tan iyo markii kaalmada laga joojiyay.
Dowladda Koongo ayaa cambaareysay go'aanka dowladda Britian oo ay ku tilmaantay mid masiibo ah.