Macdan-qodayaal la sii deynayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 September, 2012, 15:33 GMT 18:33 SGA

Macdan qodayaasha ayaa waxa ay toddobaad ka hor iska hor yimaadeen ciidanka booliiska

Dacwad oogayaasha dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah ay u joojiyeen xukunkii dilka ee ay ku soo oogeen 270 ka shaqeeya meel macdanta laga qodo.

Dadkan ayaa waxa loo heystey dilka 43 asxaabtooda ah oo ciidamada booliisku ay toogteen waqti bannaan baxyo ku saleysan shaqa ka fariisi ay kaga cabanayeen mushahaarooyinka kuwaasi oo socdey bishii hore ee August.

Waxa ay sheegeen kuwa la xaqiijiyo meelaha ay deggan yihiin in la sii deyn doono Isniinta, kuwa kalena waqtigaa kadib.

Dadka Koonfur Africa ayaa arrinta xiritaanka aad uga xumaadey iyada oo go'aanka sharci ahaan loo cuskadey uu ahaa shuruucdii la isticmaali jirey wqatigii midab-takoorku uu ka jirey Koonfur Africa iyada oo dadka dhintey loo arkayey in booliisku ay dhabarka ka toogteen.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.