
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooran doona Madaxweyne 10 September
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya la qaban doono 10-ka bisha Sebtember oo ku beegan maalin Isniin ah.
Guddigu waxa ay sheegeen in ay qaban doonaan araajida dadka u sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya, 3 bisha ilaa 6 Sebtember.
Wareysi doorashada
Afhayeenka Guddiga doorashada ayaa waxa uu ka warramayaa sida ay u qorsheeyeen doorashada Madaxweynaha.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.
Guddigu waxa ay sheegeen in ay guddiga doorashada hoggaamin doonto Maryan Cariif Qaasim.
Ilaa hadda, in ka badan soddon Soomaali ah ayaa sheegay inay u taagan yihiin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa ay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu doorto waddanka gudihiisa.