
Ciidanka booliiska Somaliland
Magaalada Hargeysa, shan booliis ah ayaa ku dhaawacmay iyo laba qaxooti ah kadib markii maanta ay isku dhaceen ciidanka boliiska iyo qaxooti Ethiopian ahi.
Boliiska ayaa doonayay inay ka raraan qaxootigan dhul ay sharci darro ku degeen oo dadkii lahaa doonayeen inay dhistaan, kadibna dadka qaxootiga ah
ayaa faashash iyo dhagxaan ku weeraray boliiska oo iyana markii danbe rasaas riday.
Boliiska ayaa BBC u xaqiijiyay in dad badan oo qaxootiga Ethiopianka ah markii danbe la xidhay, meeshiina boliisku banneeyeen.
Magaalada hargeysa waxaa ku nool qoysas badan oo qaxooti Ethiopian ah oo u badan qawmiyada Oromada.