
Madaxweynaha dalka Masar, Maxamed Morsi
Madaxweynaha waddanka Masar, Maxamed Morsi, ayaa ku cambaareeyay dowladda Suuriya inay tahay mid cadaadis ku heysa dadkeeda.
Waxaa hadalkan uu ka sheegay mar uu khudbad ka jeedinayay waddanka Iiraan oo xulafo weyn la ah Suuriya.
Cambaareynta Mr Morsi ayaa waxa lagu soo warramayaa in ay keentay in markiiba ay shirka ka baxaan wafdigii ka socday Suuriyaee ka qeybgalay shir ka dhacayay magaalada Tehran.
Mr Morsi waxa uu sheegay in ay tahay waajib in la taageero mucaaradka Suuriya, si looga midoobo wax uu ugu yeeray rejiimka cadaadiska wada iyo weliba in la yeesho istaraatiijiyad siyaasadeed.
Booqashadiisa magaalada Tehran ayaa ah tii ugu horreysay ee hoggaamiye ka socda dalka Masar uu ku tago Iiraan tan iyo markii uu curtay Kacaanka Islaamiga ee waddankaasi 1979.
Arrintan waxa ay calaamad u tahay xiriirka baaba'aya ee u dhexeeya labada dal, iyadoo ay ku kala qeybsan yihiin arrinta dagaalka Suuriya.