Cali Samatar oo lagu xukumay malaayiin dollar

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Agoosto, 2012, 16:52 GMT 19:52 SGA

Maxamed Cali Samatar

Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan 21 milyan oo Dollar, taasi oo la siinayo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay jir-dil dhacay xilligii uu dowladda Soomaaliya ku jiray siddeetamaadkii.

Maxkamad ku taal waddanka Mareykanka ayaa go'aamisay in Mr. Samatar uu bixiyo lacagtaasi, taasi oo soo gabagabeyneysa muddo sideed sano ah oo dacwad ay ku socotay.

Hoggaamiyaha hore Maxamed Cali Samatar ayaa dad Soomaaliyeed oo Mareykanka deggan waxa ay ku eedeeyeen in uu masuul ka ahaa jirdilkii loo geystay xilligii uu madaxda ahaa.

Dadka Soomaalida oo ahaa 7 qof ayaa waxa ay dacwadda ka dhankaah Mr. Samatar ay ka bilaabeen maxkamad ku taal Alexandria sanadkii 2004.

Maxamed Cali Samatar ayaa beeniyay eedeeymaha loo heystay.

Mr Samatar oo 76 jir ah, waxa uu soo noqday Madaxweyne ku xigeen, Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Raiisul Wasaare.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.