BBC navigation

Anders Breivik oo lagu xukumay 21 sano

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Agoosto, 2012, 09:11 GMT 12:11 SGA

Anders Behring Breivik waxa uu dilay bishii July ee sanadkii hore 77 qof.

Maxkamad ku taal waddanka Norway ayaa waxa ay ku heshay, Anders Behring Breivik, in aanu ahayn qof waalan, waxaana ay ku xukuntay 21 sano oo xarig dilkii 77 qof ee sanadkii hore.

Dacwad oogaha ayaa waxa uu codsaday in lagu dhawaaqo in aanu ahayn qof jiran, taasi oo loogu diray xarunta dhimirka.

Breivik, oo mar walba qiran jiray inuu qaaday weerarka bam iyo dadka uu toogtay oo aanu wax naxariis ah ka muujin jirin, ayaa waxa uu hore u sheegay in aanu racfaan ka qaadan doonin arrinta inuu caafimaad qabo.

Xaakimka maxkamadda oo ku dhawaaqay xukunka iyada oo ay joogeen goobta qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka iyo qoysaskii dadkii ku dhintay, ayaa waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay bayaan soo galootiga looga soo horjeedo oo uu qoray intii aanu dadka baabi'in.

Qaar ka mid ah dadkii uu dilay Andres Breivik

Weerarka ugu horreeyay ayaa waxa uu ku dilay 8 qof, wuxuuna ku dhaawacay 209 kaasi oo ka dhacay magaalada Oslo.

Jasiiradda Utoeya ayaa waxa uu iyana ku dilay 69 qof oo da'doodu u dhaxaysay 14 sano ilaa 34 jir, waxaana uu ku dhaawacay 1733, iyadoo ku dhawaad 900 qof ayayna saameysay weerarada ninkaasi.

Dadka uu dilay Andres Breivik waxa ku jiray laba qof oo Soomaali ah oo kala ahaa wiil iyo gabar.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.