
Qariiradda dalka Kenya
Ciidanka booliiska Kenya ayaa sheegay in ilaa konton qof ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay koonfurta galbeed ee dalka.
Dadka dhintay badankood waa haween iyo carruur.
Dagaallada ayaa waxa ay u dhexeeyeen qowmiyado iska soo horjeeda degmada Tana River.
Waxaa lagu soo warramay inuu ka dhashay dhul iyo daaqsin la isku qabsaday.
Waa dagaalkii ugu dhiigga badnaa ee u dhexeeya qawmiyadaha tan iyo dagaalladii ka dhacay Kenya kadib doorashadii 2007.
Waxaa kale oo lagu soo warramay in in ka badan toban qof Isniintii lagu dilay waqooyiga galbeed ee dalka arrimo la aaminsan yahay inay la mid yihiin kuwan oo kale.
Weriyayaasha ayaa sheegaya in doorashooyinka oo la filayo inay dhacaan sanadka soo socda, in laga cabsi qabo dagaallo dheeraad ah.