
Muslimiin ciidaya
Ciid iyo farxad wanaagsan dhageystayaal...waa maalin weyn runtii kaddib markii 30 maalmood oo buuxa la soomanaa ayaa saaka muslimiinta adduunku waxay isugu hambalyeynayaan farxadda Ciidda.
Dhulka Soomaalida gees ka gees farxaddaas ayey la qabaan muslimiinta kale ee caalamka oo waxaa ka socda waqtigan dadkii oo is-wada leh ciid-mubaarak oo Allaah ka baryaya inuu ka aqabalo soonkii, oo bishan bisheeda ku gaarsiiyo nabad.
Muqdisho weriyahayaga Ibraahim Maxamed Adan ayaa sheegay in markii u horreysay muddo dheer bluu-leydh xalay cirka loo ridayey oo midabbo kala duwan oo qurux badan hawada ku xardhay.
Carruurtu wadooyinka ayey gacmaha is-haystaan ama waa la wadaa oo waa la soo wareejinayaa oo waxaa la geynaya guryaha ehelada iyo qaraabada oo ay soo salaamayaan iyagoo dharkii ciidda xiran.