bbc.co.uk navigation

Dagaal dhimasho badan oo Gedo ka dhacay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Agoosto, 2012, 14:39 GMT 17:39 SGA

Media Player

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya waxay sheegayaan in ilaa 40 qof ku dhinteen dagaallo gobolkaas ka dhacay.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Tuulada faafaxdhuun oo 80km kaga beegan dhinaca galbeed magaalada Baar-

Dheere ee gobolka Gedo waxaa shalay galab ilaa xalay ka dhacay dagaal

xoog leh.

waxaa isaga hor yimid ciidanka Kenya ee ku sugan

Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa dowladda kmg ah iyo dagaalyahanno ka

tirsan xarakada al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo aad u ballaaran iyadoo

wararku sheegayaan in tirada dhimashadu ay kor u dhaaftay 40 qof oo ah

dhinacyadii dagaallamayay.

Sarkaal u hadlayay al-Shabaab ayaa sheegay inay iyagu weerarka qaadeen

isla markaana ay halkaas ku dileen 60 askari oo ka tirsan ciidanka

kenya iyo kuwa dowladda kmg ah.

waxay kaloo sheegeen inay gubeen gawaari dagaal

oo ay lahaayeen ciidamadu.

Sarkaalkaasi waxa uu sidoo kale sheegay inay

dhinacooda jirto dhimasho ka soo gaartay dagaalka

dagaalyahanadooda oo ka badan toban.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.